Musharaxiin uu Deni ku jiro oo maanta is-diiwaangeliyey

Published: May 10, 2022

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya gaar ahaan xarunta Aqalka sare waxaa ka socota diiwaangelinta Musharaxiinta ugu dambeysay ee xilka Madaxweynaha JFS.

Guddiga isku dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha ayaa shaaciyey maanta lasoo gabagabeyn doono diiwaangelinta xubnaha musharixiinta ah oo maalintii saddexaad toos uga socota xarunta Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Musharaxiinta maanta shahaadada qaatay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, musharrax Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, musharrax  Maxamed Amiin Faarax iyo musharixiin kale.

Guud ahaan lllaa iyo hadda waxaa shahaadada qaatay in ka badan 30 musharax oo u tartami doono kursiga madaxweynaha oo sanadkan loolan adag loo geli doono.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *