Musharaxiinta Mucaaridka Puntland Oo Ka Horyimid Guddiga Xalinta Khilaafka Doorashada

Published: December 12, 2023

Qaar kamid ah Mushaarixiinta Mucaaridka ah ee Puntland ayaa ka horyimid guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada ee uu magacaabay madaxweyne Deni.

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen musharrixiinta qaarkood ayay ku diideen guddiga xallinta Khilaafaadka oo ay ku tilmaameen kuwa aan dhex-dhexaad ahayn.

Waxay sheegeen in xubnaha  guddiga xallinta Khilaafaadka ee la magacaabay lagu saleeyay qaraaba-nimo iyo xubno ka tirsan xisbiga xukuumadda ee Kaah.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media