Musharixiin Qaadacay Doorashada Madaxtinimiada Galmudug

Published: January 22, 2020

Qaar ka mid ah musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha dowladda goboleedka Galmudug ayaa dowladda federaalka ee Somaliya ku eedeeyay inay afduubtay hannaankii doorashada.

Musharixiintan oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Cabdullaahi Faarax Weheliye, Kamaal Daahir Guutaale iyo Cabdi Dheere  ayaa qoraal ay si wadajir u soo saareen waxay ku sheegeen inaysan ka qaygaleen doorasho ay maamulayaan guddi ay ku tilmaameen inuu dhinac u janjeero oo uusan dhexdhexaad u ahayn musharixiinta.

“ Waxaanu 18 Jannaayo 2020 dalbanay in musharixiinta laga tixgeliyo go’aanada la xiriira doorashada gaar ahaan dhismaha guddga doorashad iyo waqtiga la qabanayo doorashada, waxaan ayaandarro ah in aan guddoonka barlamaanku wax  tixgelin siin codsigii musharixiinta, uuna iska dhistay guddi dhinac u janjeera oo aan dhexdhexaad ahayn”

Musharixiintu waxay kaloo soo hadal qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo haatan ku sugan magaaladda Galkacayo, waxay sheegeen inuu ku howlan yahay dhismaha maamul kale oo hareer socda midka laga dhisayo magaaladda Dhuusamareeb.

Dhinaca kale, 5 Xildhibaan oo ka tirsan 13ka xubnood ee guddiga doorashada madaxweynaha Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda federaalku ay faragalin ku hayso guddiga doorashada. Xubnahan ayaa ka mid ah xildhibaanadii ay soo xusheen ururka Ahlu sunnah Waljamac

AKHRISO SHURUUDAHA LAGA RABO MUSHARIXIINTA

HORSEEDMEIDA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *