Saddex musharax oo keliya oo ka soo qayb-galay barnaamijka doodwadaag ee Musharixiinta

Published: February 6, 2017

Waxaa maanta ka bilowdey magaalada Muqdisho barnaamij dood-wadaag ah oo ay isugu yimaadeen Musharixiinta Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxaana si toos ah loo weydiinayaa su’aalo ay ka jawaabayaan.

Musharixiinta oo hadda ah 23 musharax ayaa loo qaybiyey laba qaybood oo kala ah 11 musharax oo gelinka hore ah iyo 12 musharax oo gelinka danbe ah.

Qaybta hore ee dooda ayaa waxaa ka soo qaybgalay saddex musharax oo kala ah Axamed malaadiini, Bashiir Raage Shiiraar iyo Sakarime Maxamed Xaaji oo aan ka mid ahayn musharixiinta ol-olaha ugu jira codadka Xildhibaanada.

Barnaamijka dooda musharixiinta ayaa lagu wadey in ay dhacdo 31.01.2017 markaas oo ay u baaqatey kadib cilad ku timid Internetka.

Warqad ka soo baxdey Baarlamaanka oo uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha guddiga doorashada Xildhibaan Cabdiraxmaan Beyle ayaa lagu sheegay in doodu noqon doono mid toos looga daawado warbaahinta.

Hoos ka eeg Jadwalka

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *