Musharrax Farmaajo muxuu ku sheegay khudbadiisii maanta?

Published: May 12, 2022

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kamid ah musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta hortegay xildhibaanada labada Aqal isaga oo u jeediyey khudbadiisa ku aadan barnaamijkiisa siyaasadeed, haddii markale dib loo doorto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horeyn soo hadal qaaday waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu xilka hayey.

“Sida aaad ogsoon tihiin muddada aan xilka hayey waxaan aad iyo aad uga fogaaday musuqmaasuqa iyo qabyaaladda, waxaan ku dadaalay in aan ilaalinno hantida umadda iyo madaxbannaanida qarankeenna, waxaan ku guulaysannay in aan isbeddel dhab ah ka hirgelinno dalka” ayuu yiri Musharrax Farmaajo

Musharrax Madweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sharaxaad ka bixiyey isbeddel-doonka uu hal ku dhigga olahiisa ka dhigtay

“Sida aad ogsoon tihiin, isbeddel-doonka socda ee aan hoggaaminayo waxaa uu ka soo horjeedaa nidaamka isbeddel-doonka fadhiidka ah ee curyaamiyey dalkeenna, kaas oo hadiifkiisu yahay “Qof lagu beddelo qof kale”. 

Isbeddel-doonka fadhiidka ah waa,

– Siyaasi bannaysta kutakri-falka hanti ka dhaxeysa Umadda.

– Siyaasi aan ka xishooneyn qabyaaladda iyo kala qeybinta shacabka, taas oo u adeegaysa danihiisa gaarka ah.

– Siyaasi ka horumariya  danta shisheeye tan dalkiisa.

“Isbeddel-doonka socda waa;

– Siyaasi ka shaqeeya ilaalinta danta guud iyo ammaanada shacabka, lana dagaalamaya musuqmaasuqa.

– Siyaasi mideeya shacabka, kana fog qabyaaladda.

– Siyaasi ka shaqeeya ilaalinta hantida Qaranka

Xildhibaanna sharafta badan

Waxaa xaqiiq ah in dadka Soomaaliyeed ay idin ka sugayaan in aad kala doorashadiinna ku saleysan afkaarta maamul iyo awood hoggaamineed ee uu leeyahay hoggaamiyaha lagu aaminayo talada dalka.

Haddaba ii ogalaada in aan fasiraad kooban idin ka siiyo isbeddel-doonka socda ee aan hoggaaminayo iyo farqiga u dhexeeya isbeddel-doonka fadhiidka ah” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa waxyaabaha u qorsheysan haddii dib loo doorto

“Sida shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan waxaan 4 Sano ee soo socota, haddii ay Baarlamaanku codkooda i siiyaan, xoogga saari doonaa, sii wadidda dhismaha Ciidamada Qalabka Sida, in dalka laga qaado cunaqabateynta hubka iyo qaraarka Cutubka 7-aad ee Golaha Ammaanka oo curyaamiyey dowladnimadeenna, dhammaystirka dayn cafinta, shaqo abuurka, dagaalka ka dhanka ah ururrada argagixisada ah, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, dhammeystirka Dastuurka iyo xoojinta siyaasaddeenna arriimaha dibadda”

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *