Musharraxii kaalinta 3aad ka galay doorashada Turkiga oo u tanaasuley Erdogan

Published: May 22, 2023

Sinan Ogan oo ahaa musharraxii kaalinta saddexad ka galay wareegii hore ee doorashada Turkiga ayaa shaaciyey in uu codadkiisa ku biiranayo madaxweyne Rejeb Dayyib Erdogan oo ah musharraxa xisbiga talada haya ee AK party

Madaxweyne Erdogan ayaa dhibco yar ku waayey guusha wareegii hore ee doorashada.

Erdogan  ayaa hadda u muuqda in uu gaarey guushii ugu waynayd maaddamaada oo uu taageero ka helay Sinan Ogan oo hore u haystay 5% ka mida codadkii la dhiibtay.

Dhanka Mucaaridka ma jirto ilaa hadda wax ku soo biiray iyo talloobooyin ay u qaadeen dhinaca guusha.

Horseed Media