Muuqaalka Baaxada iyo Khasaaraha Qaraxyadii Beledweyne

Published: March 24, 2022

Waxaa weli socota tirakoobka dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay dhawr qarax oo xalay ka dhacay magaalada Beledweyne xili ay halkaasi ka socotay doorashada qaar kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka.

Qaraxyadan oo dhacay salaadii cishe ka dib ayaa la rumeysan yahay inay isugu jireen ismiidaamin ah iyo mid kale oo la dhigay bartamaha magaalada ayaa waxaa sheegtay kooxda Argagaxisada ah ee Al Shabaab.

Dadka ku dhintay qaraxan waxaa kamid ahayd Xildhiibaanad Aamina Maxamed Cabdi iyo qaar kamid ah illaaladii la socotay, walow ay jiraan dad badan oo waxyeelo soo gaartay oo aan si rasmi ah weli loo shaacin.

Muuqaalka goobaha qaraxyada ka dhaceen ayaa muujinaya baaxada qaraxyada iyo waliba inuu ahaa weerar si weyn loo soo qorsheeyey waana weerarkii labaad oo ka dhaca magaalada Beledweyne tan iyo markii ay bilaabatay doorashada Golaha Shacabka.

Qaraxa ugu khaasaraha badnaa ayaa la sheegay inuu ahaa mid gaari oo la dhigay meel u dhaw isbitaalka kadibna la qarxiyey markii halkaasi ay tageen dad badan oo u gurmanayey dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxii koowaad oo ahaa mid ismiidaamin ah.

Bishii hore ee Feberaayo bartamaheedii ayaa sidan oo kale weerar ismiidaamin ah lala beegsaday makhaayad ay ku sugnaayeen dad rayid ah oo ay ku jiraan murashaxiin u tartamayey xildhibaano.

Raysalwasaaraha Soomaaliya Rooble ayaa war u xalay soo saaray ku sheegay weeraradii ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyne ee shalay inay ahaayeen kuwo “…isku xiran oo abaabulan..”

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u arkaa in weerarkii maanta lagu qaaday aagga xerada Afisyooni ee u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyo qaraxii Baladweyne ee caawa lagu dilay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed ay yihiin kuwo isku xiran oo abaabulan, marka la eego goobaha la beegsaday, shakhsiyaadka la bartilmaameedsaday iyo xilliga lagu soo aaddiyay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *