Muuqaalka Khasaaraha Qaraxyadii Hotel Dayax – VIDEO

Published: January 26, 2017

Khasaaraha ka dhashey weerar qaraxyo iyo rasaas isugu jirta oo al-Shabaab ku qaadeen Hotel Dayax magaalada Muqdisho ayaa kor u kacadey. wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda ayaa sheegtay in dhimashadu gaartey 40 halka dhaawucu maraayo 70 qof.

Raadka Qaraxyadii lala beegsaday Hotelkaasi ay degenaayeen siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka cusub ayaa ah mid baaxadleh, iyadoo ay burbur xoogleh soo gaareen goobo ganacsi oo badan oo ku yaal hareeraha wadada iyo nawaaxiga Hotelka.

Qaraxii labaad ee lala beegsaday dadkii usoo gurmaday Qaraxii labaad ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaari nooca NOHA loo yaqaan oo la dhigay wadada bartamaheeda sida aad ka arki doontaan muuqaalka hoose.

Waxaase lagu guuleystay in la dilo afar kamid ah kooxihii weerarka soo qaaday iyadoo hadii ay u suurto geli lahayd inay gudaha u galaan hotelka ay dhici kartay in khasaaraha dhimashada intaasi kasii badato.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *