Muuse Biixi oo difaacay heshiiskii is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya

Published: May 18, 2024

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad uu ka jeediyey xuska munaasabadda 18-ka May ka sheegay in heer gebo gebo ah uu marayo dhamaystirka heshiiskii horaantii sannadkan uu la galay Ra,iisul-wasaaraha Itoobiya ee ku saabsanaa saldhigga Ciidan.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu xusay in wakhtiga dheer ee uu qaatay dhamaystirka heshiiskan uu yahay mid la xiriira in dhinacyadu iska hubinayeen waxyaabaha saameynta leh ee lagaga soo noqon kara qodobada heshiiskan ka koobnaanayo.

Madaxweyne Biixi, waxa kale oo uu si adag u dhaliilay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu si adag uga soo horjeestay heshiiska isfaham ee ay wadagaleen Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu xusay Madaxweyne Muuse Biixi in Soomaaliya haddii ay nukliyeer haysato ay ku dhufan lahayd Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Horseed Media