Muuse Biixi oo Saddex Wasiir Xilka Ka Qaaday, Lix Kalena Magacaabay

Published: December 1, 2019

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku magacaabay Lix Wasiir iyo Afar wasiir ku xigeen, wuxuu kaloo xilkii ay hayeen ka qaaday Saddex Wasiir iyo labo wasiir ku-xigeen.

Wareegtada waxaa kaloo lagu magacaabay La taliyaha arrimaha doorashooyinka ee Madaxweynahah,

Wasiiradda Xilka loo Magacaabay ayaa kala:

1. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

2. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

3. Siciid Sulub Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga.

4. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

5. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

6. Mustafe Maxamuud Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Caddaalada.

7. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

8. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

9. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

10. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

11. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka

Wasiirada Xilka Laga Qaaday:

Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda;

Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) , Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Cismaan Aadan Jaamac, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska 

Xuseen Ibraahim Xasan Buuni, Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame, Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

Magacaabista iyo xilka qaadista wasiirada ee uu Sameeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa imaanaysa iyadoo ay Somaliland ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay magacaabistii iyo ansixintii guddiga doorashooyinka Somaliland oo ka horyimaadeen labada xisbi siyaasadeed ee Wadani iyo Ucid.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *