Muuse Biixi Shacabkiisa Maku Marin-habaabiyey, Cidda Iska Lahayd Hindisaha Safarka Farmaajo ee Hargeysa?

Published: February 18, 2020

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad sanadle ah u jeediyey labada gole ee Somaliland iyo marti sharaf kale. Madaxweyne Biixi ayaa ka hadley arrimo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda gudaha ee Somaliland, barnaamijyada hormarinta, kulankii isaga yo Madaxweyne Farmaajo ee Adis Ababa, Qorshaha Abiy Ahmed ee Geeska Afrika, iyo ugu danbeyn booqashada la hadal hayey ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in safarkiisi Adis Ababa sababtiisa uu lahaa Abiy Ahmed raysalwasaaraha Itoobiya oo casumey Biixi waxa uu si weyn u amaaney Abiy Ahmed iyo dowladda Itoobiya, wuxuu sheegay in markii uu tegey meesha qorshe aanu fileyn kala hadley oo ahaa kulanka isaga iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi, wuxuu sheegay in uu soo dhaweeyey kulankaas, iyo qorshaha Abiy Ahmed ee ku aadan Geeska Afrika.

Muuse Biixi ayaa sheegay in 13 Feberaayo, arrin kale oo wanaagsan ay ka soo baxdey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah, kaas oo ah in uu raali gelin ka bixiyey tacadiyadii loo geystey shacabka Gobolada Waqooyi.

Booqashada Farmaajo ee Hargeysa

Khudabada Sanadlaha ah ee Muuse Biixi u Jeediyay Labad Golle ee Somaliland

Muuse biixi oo aad u soo dhaweeyey labada arrimood ee kala dhacay 9 bishan ee Adis Ababa iyo 13 Feberaayo ee raaligelinta Farmaajo ayaa haddaba wuxuu deedafeeyey hadal kale oo ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo oo ahaa in uu booqanayo Hargeysa!, arrintan ayaa noqotey mid la yaableh, sababtuna waa halka warka booqashada Farmaajo markiisi hore ka soo baxay.

Ugu horeyn safarka la hadal hayey maalmihii u danbeeyey waxa uu ka soobaxay Hargeysa gaar ahaan Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, Saleebaan Gaal ayaa kulan la qaatey Madaxweynaha Somaliland sida uu sheegay Golaha Guurtida waxaana uu u sheegay in raysalwasaaraha Itoobiya uu qorsheynayo in uu safar ku yimaado Hargeysa, waxaana la socda ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo uu horey u soo kaxaysanayo, qorshaha Muuse Biixi ayaa ahaa in marka hore warka booqashada Abiy Axmed iyo Madaxweyne Farmaajo uu si hoose u gudbiyo kadibna uu ku xisaabtamo go’aanka uu qaadanayo sida dadku u arkaan, laakiin Saleebaan Maxamuud Aadam oo ah nin weyn ayaa arrinta u soo bandhigey si aan siyaasadeysenyn waxaana uu arrinta ugu raftey si rasan isaga oo ugu danbeyn sheegay in aysan dileyn Farmaajo ee uu noqonaayo nin marti ah oo la socda Abiy Axmed raysalwasaaraha itoobiya.

Saleebaan Gaal guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland oo furaya khudbaddii maanta ayaa yiri “… Horta Madaxweyne weli miyigii ayaan ku danbeeyey ee waan dhumayaa ee halay ilaasho…..” sida muuqata hadalkan waxa uu daba socdaa sida Saleebaan mMxamuud Aadam u soobandhigey hadalkii Madaxweynaha Somaliland u sheegay ee booqashada Abiy Axmed iyo Farmaajo.

Muuse Bixi waxa uu ciyaarey kaar siyaasadeed, ugu horeyn waxa uu maanta dilaaciyey war weyn oo Somaliland aad looga doonaayey kaas oo ah in uu furayo in Xisbiyo cusub la furto, maadaama labadii Xisbi ee mucaaradka ahaa ay aad isugu khilaafsan yihiin Guddiga Doorashooyinka, arrintan waxay dadka ka jeedineysaa hadal hayntii weyneyd ee maalmahan la hadal hayey booqashada Farmaajo, dhanka kale isaga oo ku xisaabtamaya sida shacabka Somaliland u arkeen warka isagu uu siiyey Guddoomiyaha Guurtida ayaa maanta si adag u diidey, laakiin waxa uu shacabka ku marin habaabiyey in qorshahan uu yahay mid ka soo baxay Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaaliga ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xog la isku haleyn karo oo Horseed heshay ayaa sheegeysa in qorshaha safarka Madaxweyne Farmaajo uu ka dhashey kulankii Adis Ababa ee saddex geesoodka ahaa, waxaana Muuse Biixi sheegay, in Farmaajo uu bixiyo raali gelin ka hor inta aanu booqashada ku imaan hargeysa taas oo yareyn karta carada dadkiisa, waana midda keentey Madaxweyne Farmaajo in uu cudurdaar bixiyo, wixii ay geysatey Taliskii kacaanku.

Waxaa maanta aad loo saadaalinaayey in Muuse Biixi sheegi doono in duufaan siyaasadeed oo cusub ay ka socoto Geesks Afrika, Somaliland aan loo baahneyn in ay ka harto, haddaba waxaa la is weydiin halka uu ku danbeyn doono qorshaha Abiy Axmed uu garwadeenka ka yahay Muuse Biixina aad u soo dhaweeyey ee ku aadan Geesks Afrika.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *