Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xanibnaa Kenya oo dalka dib loogu soo celiyay.

Published: May 22, 2020

Waxaa Magaalada Muqdisho gelinkii danbe ee shalay soo gaaray muwadiniin soomaaliyeed oo mudo ku xanibnaa Dalka Kenya kuwaas oo saamayn ay ku yeelatay xayiraadii xagga duulimaadyadda ee DFS soo rogtay kaas oo ujeedadiisu ay salka ku haysay sidii looga hortaggi lahaa cudurka dunidda ku faafaya ee Covid-19.

Diyaaradaan ayaa siday 114 ruux oo dhamaantood iyaggu codsaday in dalkooda ay dib ugu laabtaan, waxaana socdaalkooda fududaysay safaarada Soomaaliya ee Kenya. dhamaantood dadkaan ayaa laga soo baaray xanuunka Carona.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *