Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Laga Soo Celiyey Turkiga

Published: June 11, 2020

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa muddooyinkii dambe dadaal ugu jirtay sidii dalkooda loogu celin lahaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran gudaha Turkiga sababo la xiriira cudurka COVID19.


Danjire Jaamac Cabdulaahi Caydiid, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay dib dalka ugu celiyeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradoodu ahayd 94 Qof oo ku xayirnaa gudaha Turkiga, isla markaana maanta diyaaradda sida dadkan ka degi doonto Magaalada Hargeysa.


“Waxaan uga mahadcelineynaa dhammaan dadkii ka qeyb-qaatay dib u celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xaniban dalka turkiga , Gaar ahaan waxaa uu uga mahadceliyay dowladda Turkiga oo muwaadiniintaan u ogolaatay inay dalkooda ku laabtaan” Ayuu yiri Danijre Caydiid.


Dowlada Soomaaliya ayaa sidan si lamid ah labo jeer oo hore muwaadiniin Soomaaliyeed kasoo qaaday Turkiga intii lagu jirey xayiraada Coronavirus.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *