Muxuu Cumar Cabdirashiid Ka Yiri Warkii Ka Soo Baxay Golaha Wada-tashiga Qaran?

Published: October 31, 2022
Cumar Cabdirashiid Sharmaarke

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo laba jeer oo hore dalka ka soo noqdey raysalwasaare ayaa toosh ku ifiyey mid kamid ah qodobada golaha wadatashiga qaranku ay ku soo qoreen war murtiyoodkoodi.

Raysalwasaare Sharmaarke oo isticmaalaya bartiisa Twitterka isaga oo ku soo lifaaqey sawirada war murtiyeedka ayaa yiri.

Dhammaan arrimaha la xiriira siyaasadda ee war murtiyeedku xanbaarsan yahay marka laga reebo arrimaha amniga & abaaraha oo keliya, waxay ahayd in laga wada hadlo oo laga heshiiyo hannaanka dib u eegista dastuurka oo aysan lahayn golaha wadatashiga qaranka oo keliya. Natiijada dib-u-eegista dastuurka ee ay ka hadleen golaha wadatashiga qaranku waxay ka tarjumi doontaa oo keliya muddo xileedka ay haystaan dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka.

Cumar Cabdirashiid

War murtiyeedka ayaa lagu soo hadal qaadey in wax laga beddalayo dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka, iyada oo la hadal hayey in muddo kororsi uu jiri doono, waxaana lagu sii sheegay in dalka laba doorasho keliya ka dhacayaan taas oo is waafaqsan mid heer dowlad goboleed iyo mid heer federaal.

Rayslawasarihii hore ee dalka ayaa tooshka ku ifiyey in wax ka beddelka xeerarka iyo dastuurka ay uga dan lee yihiin oo keliya in wax laga beddelo mandate ay hadda haystaan. Waxka beddelka dastuurka waxa uu lee yahay hab loo maro, oo isla isagu qoraayo.

Horseed media