Muxuu Gudoomiye Aadan Madoobe kala hadlay saraakiisha ATMIS?

Published: May 10, 2022
May be an image of 1 person, child, sitting and indoor

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan deg deg la yeeshay saraakiisha sare ee ciidanka howlgalka nabad ilaalinta ATMIS.

May be an image of 2 people and people standing

Kulanka waxaa ka qeyb galay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee Ciidanka ATMIS ee Soomaaliya Lt. Gen Ndegeya Diomede, iyo Brig. Gen. Keith Katungi oo ah Taliyaha Guud ee qaybta Sector One ee ciidanka ATMIS.

May be an image of 6 people, people sitting, people standing and indoor

Shirkaani ayaa looga hadlay xaqiijinta amniga doorashada madaxweynaha JFS oo la filaayo inay dhacdo maalinta Axada oo ku beegan 15-ka May.

Guddoomiyaha Golasha Shacabka ayaa ku booriyay inay gutaan waajibaadkooda shaqo mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta Amniga doorashada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *