Myanmar: Shacabka oo bilaabay banaanbaxyo looga soo horjeedo Militariga

Published: February 8, 2021

Waxaa sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay sii xoogeysanaya mudaharaadka ay dhigayaan shacabka Myanmar oo kasoo horjeeda inqilaabkii militariga xukunka dib ulla wareegay.

Maanta oo Isniin ah ayey markale kumanaan shacab ah isugu soo baxeen magaalooyinka waaweyn iyo caasimada, iyadoona ay u muuqato in banaanbaxyadan ay kusii fidayaan magaalooyinka waaweyn iyo gobalada.

Qaar kamid ah shaqaalaha xarumaha bulshada sida dhakhaatiirta ayaa sameeyey shaqo joojin, xili militariga dalkaasi uu xabsi guri ku hayo dhamaan xukuumadii iyo Xildhibaanada shacabka doorteen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *