Naadiga kubadda cagta ee Manchester United ayaa shaqada ka ceyrisay tababare Erik ten Hag, kadib markii…
Naadiga kubadda cagta ee Manchester United ayaa shaqada ka ceyrisay tababare Erik ten Hag, kadib markii West Ham ay ka badisey ciyaartii maalintii shalay ee Axadda.
“Erik ten Hag waa uu ka tegay xilkiisii ahaa tababaraha kooxda Manchester United. Waxaan uga mahad-celineynaa Erik wax walba oo uu qabtay muddadii uu nala joogay waxaana u rajeyneynaa mustaqbal wanaagsan,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay kooxda.
Manchester United ayaa hadda kaalinta 14-aad kaga jirta horyaalka Ingriiska, waxaana kulankii uga dambeeyey ee Axaddii 2-1 kaga adkaaday West Ham.
Ten Hag ayaa kooxda macallin u ahaa laba sano iyo bar. Erik ayaa la magacaabay bishii April 2022 wuxuuna kooxda ku hogaamiyay labo koob oo gudaha ah, isagoo kula guuleystay Carabao Cup 2023 iyo FA Cup 2024.
Manchester United ayaa sheegtay in Ruud van Nistelrooy uu kooxda si ku meel gaar ah u maamuli doona, iyadoo ay taageerayaan macallimiinta kale ee kooxda ee hadda jira, inta tababare joogto ah laga helayo.
HORSEED MEDIA