Nabadoon Caan ah oo Ku Geeriyooday Dagaal ka Dhacay Galkacayo

Published: July 11, 2020

Nabadoon Burhaan Axmed oo ka mid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa ku geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaal saaka ka dhacay magaaladda Galkacayo kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Dowladda Puntland iyo maleeshiyo beeleed isa soo abaabulay.

Maleeshiyo beeleedka ayaa Saaka weerar ku qaaday xarunta madaxtooyada Puntland ee Galkacayo, halkaasi oo dagaal uu ku dhexmaray ciidamada ilaalada Madaxtooyada. Weerarkan waxaa ku dhintay labo qof, waxaana dhaawac uu ka soo gaaray lix qof oo kale.

Dagaalka saaka dhacay oo sidoo kale khasaare ka soo gaaray goob ganacsi oo uu dab qabsaday ayaa daba socday dagaal kale oo xalay dhexmaray ciidamada Dowladda iyo kooxo la sheegay inay ka ganacsadaan khamriga. iska horimaadka xalay dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday labo qof, saddex qof oo kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray.

Nabadoon Burhaan Axmed

Nabadoon Burhaan Axmed ayaa ka mid ahaa dadka ku geeriyooday dagaalkii Saaka ka dhacay magaaladda Galkacayo, nabadoonka ayaa la sheegayaa inuu isku dayay inuu joojiyo weerarkii Maleeshiyaadku ku qaadeen xarunta madaxtooyada Galkacayo.

Kulan dhexmaray Guddiga Amniga iyo Odoyaasha Galkacayo.

Guddiga Amniga gobolka Mudug ee Puntland iyo odoyaasha iyo waxgaradka gobolka Mudug ayaa kulan ku leh magaalada Galkacayo kaasi oo looga hadlayo xiisada ka dhalatay isku hor-imaadkii xalay dhexmaray ciidamada Puntland iyo kooxo ka ganacsada khamriga, dagaalkaasi oo sababay dhimashada labo qof iyo weerar kale ee Saaka ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland ee Galkacayo.

Wararkii u dambeeyay ee ka imaanaya magaalada ayaa sheegaya in xaaladu ay haatan degan tahay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *