Nabadoon Lagu Dhaawacay Magaalada Bosaso

Published: February 29, 2020

Koox hubaysan ayaa toogasho ku dhaawacay Cabdullaahi Cali Sugulle  oo ka mid ah nabadoonada Gobolka bari ee Puntland.

Nabadoonka ayaa xiliga la dhaawacayo waxaa uu ku sii jeeday guriga uu ka degan yahay magaaladda Bosaso. Kooxda dilka gaysatay ayaa goobta ka cararay markii ay toogteen nabadoonka.

Nabadoonka ayaa haatan waxaa la dhigay Cusbitaalka National ee Bosaso, halkaasi oo qaliin lagaga samaynayo dhaawaciii ka soo gaaray rasaastii lala eegtay.

Mid ka mid ah Dhakhaatiirta cusbitaalka ayaa horseedmedia u sheegay in rasaastu ay nabadoonka ka haleeshay caloosha iyo Feeraha.

Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay inay ka dambeeyeen weerarka lagu dhaawacay nabadoonka , hase yeeshee weeraro noocan oo kale oo lagu dilay saraakiil, ganacsato iyo nabadoono ayaa waxaa hore u sheegtay ururada Daacish iyo Alshabaab.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *