Nabadoon lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

Published: August 24, 2022

Allaha u naxariistee Nabadoon Maxamed Nuur Diiriye ayaa maanta lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa la sheegay inay qaybaha sare ee jirkiisa ka toogteen, iyadoona ay goobtaasi ka baxsadaan.

Nabadoonka oo dhaawac ahaan lagula cararay goobaha caafimaadka ayaa waddada ku geeriyooday.

Nabadoon Maxamed Nuur Diiriye oo dhaqanka ka mid ahaa ayaan la garanayn ujeedada ka dambeysa dilkiisa, iyadoo illaa iyo hadda aanay cidina sheegan masuuliyadda dilkiisa.

Marxuumka ayaa dhawaan ka qalin jebiyay mid ka mida Jaamacadaha Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *