Nabadoon lagu diley Magaalada Beledweyne

Published: May 28, 2022

Magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa xaley lagu diley Nabadoon lagu magacaabi jiray Cali Macalin Maxamuud Cali Dheere.

Maxuumka la dilay waxa uu ka mid ahaa odayaasha sida weyn looga yaqaanay gobolka, si gaar ah magaalada Beledweyn.

Nabadoon Cali Dheere ayaa xiliga la toogtay waxa uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday salaadii cishaha, wuxuuna ku sii jeeday hoyga uu ka dagan yahay xaafada Xaawo taako.

Kooxdii hubeysneyd ee dilka fulisay ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

AUN Nabadoon Cali Dheere ayaa ka mid ahaa ergadii dhowaan wax kasoo dooratay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka Beledweyne oo ku aadan dhacdadaasi iyo howlgallada ay kadib sameeyeen ciidamada ammaanka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *