Nabadoonka guud ee beesha Reer-Yoonis oo Garoowe lagu caleema saaray [Sawiro]

Published: February 13, 2012

Munaasabad lagu caleema saarayey mid kamid ah nabadoonada beelaha Puntland ayaa ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Munaasabadan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey islamarkaana ka dhacday hoolka shirarka ee Jaamacadda PSU ayaa waxaa lagu caleema saarayey nabadoonka guud ee beesha Reer-Yoonis nabadoon Bashiir Cabdi Cali.

Waxaana kasoo qayb galay mas`uuliyiin ka tirsan dowlada, Isimo, Aqoonyahan, haween, dhalinyaro, iyo marti sharaf kale oo badan, ugu horeyna waxaa ka hadlay mid kamid ah odayaasha beeshaas oo lagu magacaabo Yoonis Axmed Shire.

Wuxuuna sheegay in nabadoonkii hore ee beeshu uu ahaa nin samaha jecel oo wanaagsan haseyeeshee geeridiisa mudo laba bilood ah laga joogo sidaad darteedna ay beeshu garatay in xilkii uu ka tagey loo dhiibo mid kamid ah wiilashiisa, wuxuuna intaas raaciyey in beeshu ay isku raacday in dhaxalka xilkii uu Cabdi Cali ka tegey la siiyo wiilkiisa Bashiir Cabdi Cali oo isagu ah nin howshaas u qalma laguna aamini karo.

Wasiiru dowlaha maamul wanaaga ee Puntland Maxamed Ciise Faarax (Gaashaan) oo isna afka dowlada ku hadlayey ayaa sheegay in Puntland ay soo dhoweyneyso nabadoonka cusub ee la caleema saaray islamarkaana ay si wanaagsan ula shaqeyn doonto.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo isna kamid ahaa Isimadii caleema saarka nabadoon Bashiir Cabdi Cali kasoo qayb galay ayaa sheegay in nabadoonka cusubi uu yahay nin u qalma howsha ay tolkiis u xilsaarteen, Suldaanku wuxuu dhinaca kale ilaah uga baryey in uu xilkaas u fududeeyo isagoo sheegay in Isimadu ay si fiican ula shaqeyn doonaan.

Bashiir Cadbi Cali oo isagu ah ninka loo caleema saaray nabadoonka guud ee beesha Reer-Yoonis ayaa sheegay in uu ku dadaalayo sidii uu beesha hogaan wanaagsan ugu maamuli lahaa, wuxuuna isaga oo hadalkiisa sii wata ugu baaqay dhamaan Isimada iyo waxgaradka kale ee gobolka Nugaal inay la shaqeeyaan.

Si kastaba ha ahaatee munaasabadan oo ahayd mid si weyn loo soo qaabeeyey isla markaana ay ka hadleen mas`uuliyiin badan oo maamulka degmada iyo kan gobolka Nugaal ka tirsan, Culimaa`uddiin, iyo xubno kale oo bulshada qaybaheeda kala duwan ka socdey ayaa kusoo gaba gabowdey jewi farxadeed.

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe