Nairobi: Qarax gaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Published: February 2, 2024

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay Magaalada Nairobi, 222 kalena waxaa soo gaaray dhaawac, kadib markii Gaari xamuul ah oo siday gaas uu ku qarxay degmada Embakasi ,sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda.

Mr.Mwaura ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay warshad gaas, kadibna dabka uu ku fiday bakhaar lagu sameeyo dharka iyo dunta ka iyo sidoo kale guryo dabaqyo ah.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay in dadka dhaawacmay ay ku jira ugu yaraan 25 carruur ah, sida uu sheegay wargeyska Standard.

Afhayeenka dowladda ayaa sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay la adkeeyay, isla markaana la sameeyay xarun talis oo gacan ka geysata isku xirka howlaha samata bixinta.

Guryo, goobo ganacsi iyo baabuur ayaa ku waxyeeloobay dabkaasi, waxaana dadla lagu wargeliyay in ay ka fogaadaan aagga go’doonsan si loo sameeyo howlgalka samatabbixinta.