Narendra Modi oo markii seddexaad ku guuleystay Xilka Raysal Wasaaraha Hindiya

Published: June 4, 2024

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa markii saddexaad u muuqda inuu ku guuleystay doorashada baarlamaanka ee dalkaas, balse isbaheysiga talada haya ayaa u muuqda mid ku guuldareystay inuu helo aqlabiyad weyn sida la saadaaliyay.

Waxa uu u mahadceliyey codbixiyaasha oo uu sheegay in uu sii wadi doono “shaqada wanaagsan” ee tobankii sano ee la soo dhaafay.

Isbahaysiga uu hoggaamiyo Mr Modi ee BJP ayaa ku hogaaminaya in ka badan 290 ka mid ah 543 kursi ee loo tartamayo, kuwaas oo aad uga yar bartilmaameedkoodii ahaa 400.
Congress-ka iyo xisbiyada kale ee mucaaradka ah ayaa la yaabay goobjoogayaasha, waxaana hadda la filayaa inay ku guuleystaan ​​​​in ka badan 230.

Natiijooyinka ayaa beeninaya tiro badan oo ka mid ah codbixintii dhamaadka usbuuca, taas oo muujisay isbahaysiga NDA inuu hoggaamiyo aqlabiyadda saddex-meelood laba meelood ee baarlamaanka, taas oo u oggolaan lahayd inay isbedel ku sameyso dastuurka.

Horseed Media