Muqdisho: Akhriso Natiijada Imtixaanka shahaadiga fasalka 8aad gobolka Banaadir 2023

Published: August 1, 2023

Agaasinka waxbarashada goolka Banaadir ayaa si rasmiya ugu dhawaaqey natiijada Imtixaanka fasalka sideedaad ee gobolka banaadir sanad dugsiyeedka 2022&23.

Munaasabadii shaacinta waxaa ka qaybgalay Guddomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale.

Agaasinka waxbarashada gobolka banaadir ayaa sheegay in sanad dugsiyeedka 2022/2023 ay imtitxaanka u fariisteen ardey gaareysa 31 372 kun oo ardey kuwaas oo ka kala socdey 72 iskool oo ku yaala gobolka Banaadir.

Agaasimaha guud ee waxbarashada Gobolka Banaadir Dr. Cabdifitaax Bare oo natiijadaan shaaciyay ayaa sheegay in ay gudubtay 30,837 Arday waxaa dhacay oo aan gudbin 535 Arday.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa u hambalyeeyay ardaydii gudubtay imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir, isaga oo sidoo kale la dardaarmay waalidiinta Soomaaliyeed.

Horseed Media