Natiijada Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Puntland Fasalka Afaraad 2022/2023 oo la shaaciyey

Published: September 5, 2023
Shares6

Wasaaradda waxbarashada ee Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 05 September 2023 si rasmiya u shaacisey natiijada imtixaanka dugsiyada sare, fasalka afaraad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023.

Guud ahaan ardeyda ka qayb-qaadatey imtixaanka ayaa ah 7 456 oo ardey kuwaas oo 4 460 ay ahaayeen wiilal halka gabdhhu ay ahaayeen 2996. Ardey gaareysa 7305 ardey ayaa gudbey, halka ay ku dhaceen 151 ardey oo keliya.

Ardeyda ugu saraysa ee gaareysa 18 ardey ayaa badankood ka yimaadeen gobolka Bari kuwas oo gaaraya 11 ardey, Nugaal 4 ardey Karkaar 3 ardey, gabdhaha kaalimaha kowaad galay ayaa gaaraya 8 gabdhood halka wiilashu ka yiin 10 ardey. Gobolada Mudug iyo Sanaag ayaan kaalimaha hore waxba ku lahayn.

Saddexda aardey ee ugu sareeya ayaa kala ah:

  1. Asmaa Maxamed Maxamuud, Imaam Alnawawi, Qardho, Karkaar.
  2. Mubaarak Maxamed Samantar, Boosaaso Public, Bari.
  3. A. Fahiimo Cismaan Siciid, Imaam.Alnawawi, Qardho Karkaar iyo B. Isro Cali Khaliif Cilmi, Imaam Alnawawi, Qardho, Karkaar.

Ilaa 14 maado ayey imtixaankeeda u fariisteen ardeydu waxay ugu liiteen celcelis ahaa maadada Islaamka, waxaana ay ugu wanaagsanaayeen maadada Juqraafiga sida wasaaraddu sheegtay.

Horseed Media