Natiijada Imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiyada Puntland 2023

Published: August 5, 2023
Shares120

Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland ayaa shaacisey natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad sanad dugsiyeedka 2022/23.

Guud ahaan ardey gaareysa 15 kun oo ardey ayaa u fariistey Imtixaanada dugsiyada Puntland ee fasalka 8aad, waxaa sidoo kale qayb ka ahaa ardeyda dugsiyada ee magaalada Laascaanood.

Sida ay sheegayso xogta ka soo baxdey Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland, waxaa gudbey 14,698 kun oo ardey, kuwaas oo 8,360 ay yihiin wiilal, halka ay gabdhuhu ka yihiin 6,338. Waxaa dhacay oo gudbi waayey ardey gaareysa 246 ardey oo keliya.

Tobanka ardey ee ugu sareeya lix ka mid ah waxay dhigtaan Iskoolada Boosaaso, taas oo muujineysa in iskoolada Boosaaso ka wanaagsan yihiin kuwa kale. Maadooyinka ay ugu wanaagsan yihiin arseydu waa Soomaaliga iyo Aayniska, waxay ku liiteen Kumbuyuutarka, Tarbiayada iyo Ingiriiska.

Tobanka ardey ee ugu sareeya guud ahaan Puntland ayaa kala ah sidan:

Horseed Media