Natiijooyinka ciyaarihii galabta ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Garoowe [Sawiro]

Published: February 5, 2012

Ciyaaro aad u xiisa badan oo ka tirsan tartanka gobolada Puntland ayaa galabta ka dhacay garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe.

Qaybta hore ee ciyaarta waxaa isku arkay xulalka gobolada Mudug iyo Sanaag, xulka Mudug ayaa ku badiyey 1-0, goolka guusha gobolka mudug waxaa u dhaliyey ciyaar yahanka Ciise Maxamed Ciise-9.

Qaybta danbe waxaa galabta wada dheelay labada gobol ee ood wadaaga ah Sool iyo Cayn, gobolka Sool ayaa guushu 2-0 ku raacday, labada gool ee uu gobolka Sool helay mid ciyaartoyda cayn ayaa isku dhaliyey midka kalena waxaa u saxiixay laacibka Samado-10.

Gobolka cayn labo ciyaarood oo uu horay usoo yeeshay ayaa laga badiyey waxayna taasi meesha ka saaraysaa rajadii ay ka qabeen inay koobka kubadda cagta ee gobolada Puntland qaadaan amase ay kaalin sare ka galaan.

Soo tebinta wararka ku saabsan tartanka 6-aad ee kubadda cagta gobolada Puntland waxaa gacan weyn ka geysatey shirkadda isgaarsiinta geyigeen ee Golis

 

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe