NATO oo raali gelin ka bixisey gubitaankii Kitaabka Qur’aanka Kariimka

Published: February 21, 2012

Warbixino ka soo baxayey ciidamada ajaanibta ah ee ku sugan dalka Afqaanistaan ayaa tibaaxaya in ay halkaas ku gubeen Nuqulo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah. General John Alle oo u hadley NATO ayaa sheegay in arintaasi qalad tahay isla markaana ay Muslimiinta ka raali gelinayaan.

-Markii aan maqalney arintaas waxaan markiiba guda galney in aan ka joojino kuwii sidaas ku kacay, waxaana si debecsan u codsanaynaa in raali nalaka noqdo ayuu yiri Allen.

Sida ay werineyso wakaaladda wararka ee AFP waxaa ka dhacay Caasimadda Kabul mudaaharaad ballaaran kuwaas oo caro ka qaadey Masaaxiifta lagu gubey Afqaanistaan, taas oo aan la caddeyn xiliga ay ahayd.

Kumaankun qof oo caraysan ayaa ku banaanbaxay saldhiga u weyn ee Maraykanku ku lee Afqanistan kaas oo lagu magacaabo Bagram, waxaana dadku ku weerareen dhalooyin baansiin ka buuxo kuwaas oo dab ka dhashey sida AFP soo werineyso, waxaana inta la og yahay mudaaharaadkaas ku dhaawacmey hal qof oo ka mid ahaa dadkii mudaaharaadaayey.

Ma ahan markii u horerysey ee Ciidamada Ajaanibta ah ee ku sugan dalalka Muslimiintu ay isku dayaan in ay sharaf dhac u geystaan Musxafka xanbaarsan Hadalkka Allaah, waxaana markasta ka dhasha caro ay Muslimiintu ka qaadaan arintaas kana mjudaaharaadaan

Horseed Media + AFP