NATO oo Shiinaha ku eedeesay taageerada uu siiyo Ruushka

Published: July 11, 2024

Xulafada NATO ayaa Arbacadii ku eedeeyey Shiinaha taageerada uu siiyo Ruushka dagaalka uu ka wado Ukraine, arrintan oo la xariirta taageerada ballaaran ee Shiinaha siiyo awoodaha difaaca ee Ruushka.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirkii NATO ee ka dhacay magaalada Washington ayaa si weyn loogu muujiyey walaaca sii kordhaya ee ku saabsan hubka Shiinaha, dhaqdhaqaaqyada hawada sare, iyo khatarta ballaadhan ee ka imanaysa iskaashiga ay la leeyihiin Ruushka.

War murtiyeedkii ugu dambeeyay ee sida adag loo dhigay, oo ay ansixiyeen 32-da xubnood ee NATO, ayaa si cad u sheegay in Shiinaha uu noqonayo diiradda isbahaysiga militariga ee uu hogaamiyo Mareykanka.

NATO iyo xulafadda ay ku leeyihiin Indo-Pacific ayaa sheegay inay sii kordheyso khatarta amni ee uga imaaneysa Ruushka iyo Shiinaha.

Shiinaha ayaa sanadihii lasoo dhaafay kor u qaaday cududooda militari iyo dhaq dhaqaaqa ay ka wadaan baddooda oo ay halis u arkaan xulafada Mareykanka uu ku leeyahay qaaradda Aasiya sida; Taiwan, Japan, Kuuriyadda Koonfureed iyo Filibiinka.

Horseed Media