MBS iyo Netanyahu oo ugu danbeyn u tahniyadeeyay Biden

Published: November 9, 2020

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo kamid ahaa xulafada Trump oo 2dii maalmood ee lasoo dhaafay ka gaabsaday guusha Joe Biden ayaa ugu danbeyn dhanbaal tahniyad ah u diray Madaxweynaha cusub ee Maraykanka.

Netanyahu ayaa sheegay in xiriir wanaagsan uu la leeyahay Madaxweynaha cusub Joe Biden oo horey usoo noqday Madaxweyne kuxigeen Maraykanka iyo Senator.

Maxamed Bin Salmaan oo kamid ahaa hogaamiyayaasha sida weyn u taageersanaa siyaasada Donald Trump ayaa sheegay inuu soo dhaweenayo natiijada doorashada Maraykanka oo uu sheegay inuu yahay dal xiriir dheer oo saaxiibtinimo laleh wadanka Sacuudiga.

Biden ayaa horey si adag u cambaareeyey dilkii Sacuudiga u geystay suxifigii Jamal Khashoggi iyo dagaalka ka socda wadanka Yemen, wuxuu Madaxweynaha cusub ee Maraykanka sidoo kale doonayaa in dib loo soo celiyo heshiiskii Iran oo ay si weyn u diidan yihiin Sacuudiga iyo Israel.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *