Netanyahu oo diiday Xabbad Joojinta dagaalka Gaza

Published: February 7, 2024

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay inuu diiday dalabkii ugu dambeeyay ee Xamaas ee xabbad-joojinta, isagoo sheegay in dhankooda ay u dhawdahay inay guul ka gaaraan dagaalka.

Netanyahu ayaa dib u cusboonaysiiyay ballan-qaadkiisii ahaa inuu burburin doono kooxda Xamaas, isagoo shir jaraa’iid ku sheegay in xalka kaliya oo ay doonayaan ay tahay in si buuxda looga guuleysto dhaq-dhaqaaqa Xamaas.

Xamaas ayaa soo jeedisay xabad joojin 4 bilood iyo bar ah, dhankoodana ay dhamaan la haystayaasha sii dayn doonaan, Israa’iilna ay ciidamadeeda kala baxayso marinka Qaza.

Dalabka Xamaas ayaa jawaab u ahaa hindise ay soo diyaariyeen madaxda sirdoonka Maraykanka iyo Israa’iil, qorshahaasi xabad joojinta ayaa Xamaas loo gudbiyey todobaadkii hore, waxaana waan waantan qeyb ka ahaa dalalka Qatar iyo Masar.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken oo xalay Tel Aviv gaaray, ayaa kala hadlay dalabkan Netanyahu. Blinken ayaa maanta sidoo kale magaalada Ramallah kula kulmay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas.

Diidmada Netanyahu ee dalabkii ugu dambeeyay ee Xamaas ee xabad joojinta Gaza ayaa muujineysa inuu doonayo inuu sii wado colaadda Bariga Dhexe, ayuu yiri Sami Abu Zuhri oo ah sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters.

Xamaas ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay wajahdo wax kasta oo uga yimaada dagaalka ay wado Israel.

Horseed Media