Netanyahu oo markale Sawiradii Cabsi gelinta la hortagay Qaramada Midoobay

Published: September 28, 2018

Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo kamid ahaa hogaamiyayaasha Khamiistii khudbada kasoo jeediyey Golaha Loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa markale soo bandhigay sawiro cabsi gelin ah oo ku aadan hubka Nukliyeerka uu sheegay inay heysato Iran.

Netanyahu oo lagu yaqaan in sanadwalba Golaha Qaramada Midoobay ka horsheego hadalo ka dhan ah Iran, ayaa sanadkan la yimid sawiro uu sheegay inay yihiin xarumo qarsoon oo uu sheegay in xukuumada Iran ku kaydsato hubka nukliyeerka, wuxuuna ugu baaqay in baarayaasha Qaramada Midoobay ay goobtaasi booqdaan.

Sawiradan oo uu Netanyahu ku sheegay xog sir ah ayaan ahayn markii ugu horeysay oo uu hogaamiyaha Israel kusoo bandhigo warbixino uu sheegay inay sirdoonkiisa ka heleen Tehran, bishii May ee sanadkan ayuu sidan oo kale magaalada Tel Aviv ugu soo bandhigay “Xog” ka dhan ah Iran, inkastoo xogtaasi ahayd mid horey loo hayey, balse maalmo kadib ayuu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku dhawaaqay inuu burburiyey heshiiskii Iran ee la saxiixay 2015, Trump ayaa burburinta heshiiskaasi u adeegsaday xogtuu soo bandhigay Netanyahu.

Trump, Israel iyo Sacuudiga ayaa horey ugu jiray olole xoogleh oo lagu burburinayo heshiiskii beesha caalamka iyo Iran wada saxiixdeen 2015, waxayna hada wadaan olole horleh oo u muuqdo inuu salka ku hayo abaabul dagaal oo ay xulafadaasi doonayaan in lagu qaado Tehran, arrintaasi oo uu ka digay Madaxweynah Iran Xasan Rouhani oo isaguna khudbad kasoo jeediyey Shirweynaha UN-ka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *