New Zealand: Cunsurigii Muslimiinta dilay oo xabsi daa’in lagu xukumay

Published: August 27, 2020

Maxkamada dalka New Zealand ayaa xabsi daa’in ku xukuntay ninkii cadaanka cunsuriga ahaa ee sanadkii hore ku dilay 51 qof oo muslimiin ah magaalada Christchurch.

Brenton Tarrant oo ah 29 sano jir, ayaa isagu horey u qirtay dhamaan danbiyada lagu soo oogay oo uu ku muteystay xukunka ugu adag ee dalkaasi, isagoo aan sidoo kale xaquuq u yeelan doonin cafis ama xabsi khafiifin.

Weerarkii argagaxisada ahaa ee ninkan ku qaaday labo masaajid ee ku yaal magaalada Christchurch ee dalka New Zealand Jimcihii 15kii bishii Maarso 2019, ayaa ahaa mid si weyn u saameeyey wadankaasi.

Ehelada iyo Qaraabada dadkii dhintay ayaa tan iyo Isniintii Maxkamada booqanayey si ay halkaasi hadalo uga soo jeediyaan, waxayna dhamaantood ka hadleen sida falkan waxashnimada ah u saameeyey nololshooda.

https://youtu.be/4REoQ0acZFo

Waxaa kamid ahaa dadka goobtaasi ka hadlay Nathan oo ah nin u dhashay dalka UK oo muslim ah oo ka sheekeeyey inuu isku dayey inuu badbaadiyo cunugii ugu yaraa ee weerarkaasi lagu dilay oo ahaa wiil yar oo Soomaali ah, Mucaad Ibraahim ayaa ahaa 3 sano jir.

Aden Ibrahim Diiriye oo dhalay Mucaad ayaa qoraal uu soo diray laga hor akhriyey maxkamada.

Raysalwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in ninkan cunsuriga ah xabsi daa’in lagu xukumay isla markaana inta nololshiisa ka hartay uusan bulshada soo dhexgeli doonin.

Dowlada New Zealand ayaa kadib weerarkaasi lagu qaaday masaajidada wadankaasi soo saartay go’aan lagu mamnuucay hubka ay shacabka gacanta ku heystaan, sharcigaasi oo isla sanadkii hore la dhaqan-geliyey.


Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *