Niger: 50 Xubnood oo Ururka Boko Haram oo La dilay

Published: March 17, 2020

Ugu yaraan 50 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Boko Xaram ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay koonfur bari ee dalka Niger ee galbeedka Qaarada afrika sida laga soo xigtay wasaaradda Gaashaandhiga wadankaasi

Warsaxafadeed ay soo saartay Wasaaraddu waxay ku sheegtay inay iska difaaceen weerar ay maleeshiyaadka Ururka Bokoharam ee isbahaysiga la leh ISIS ay ku soo qaadeen xero milateri oo ku taala gobolka Diffa

” 50 xubnood oo Bokoharam ayaa dagaalkaas lagu dilay, dhinacayaga waxaa ku dhaawacmay 1 askari oo kaliya” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka wasaaradda Gashaandhiga

Wasaaradu waxay kaloo sheegtay in ciidamadu nolol ku qabteen xubno ka tirsan Bokoharam, Hub iyo Gaadiid.

BokoHaram oo Caalamku u aqoonsan yahay argagixiso ayaa qaraxyo iyo weeraro ka gaysta wadamada Nijeria, Nijer, Cameron iyo dalka Chad.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *