NIGER: Weerar lagu dilay shaqaalo u dhashay France

Published: August 10, 2020

Kooxo hubeysan ayaa wadanka Niger Axadii shalay ku dilay ugu yaraan lix qof oo u dhashay dalka France oo kamid ahaa shaqaalaha hay’ad gargaar, weerarkan ayaa lagu dilay darawelkii iyo tarjumaankii kooxdaasi.

Illaa iyo hada lama yaqaan kooxda fulisay weerarkan ka dhacay gobalka Tillaberi ee Koonfur-Galbeed dalka Niger, goobtaasi oo kamid ah dhulka loo dalxiis tago oo caanka ku ah duurjoogta Gerigga.

Madaxweynaha France Emmanuel Macron oo khadka telefonka kula hadlay dhigiisa Mahamadou Issoufou, ayaa weerarkan ku tilmaamay mid fulenimo iyo waxashnimo ah.

Shaqaalahan kasoo jeeda France ayaa la sheegay inay u shaqeyn jireen hay’ada gargaarka ee loo yaqaan ACTED. Maleeshiyaadka falkan geystay ayaa sidoo kale gubay gaarigii ay wateen shaqaalahan Faransiiska ah.

Gobalka Tillaberi oo ah goobta weerarka ka dhacay ayaa xaduud laleh dalalka Mali iyo Burkina Faso oo ay horey weeraro noocaan ah uga geysteen kooxaha xagjirka ah oo ay ku jirto Daacish.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *