Nigeria – Argagax ka dhashay libaax waardiye laga dhigay

Published: November 19, 2019

Mas’uuliyiinta Dowladda Nigeria ayaa saaray libaax loo adeegsaday in lagu ilaaliyo guri ku yaala Magaalada Lagos ee dalka Nigeria.

Libaaxa oo laba sano jir ah ayaa ahaa mid ilaalin jiray guri la degan yahay, oo waxaa keensaday qofkii lahaa gurigaas, si uu uga ilaaliyo waxkasta oo amni dari ku keeni karra.

Arrinta la yaabka leh ayaa waxaa ay tahay in halka guriga uu libaaxa ilaaliyo uu ku yaalo iskool ay wax ka bartaan caruur, taasina ay keentay in waalidiinta ay ka walwalaan caruurta.

Mas’uuliyiinta Dowladda ee qaabilsan xannaanada xoolaha ayaa soo arkay libaaxa, kadib markii walaac laga muujiyay badqabka ardayda wax ka dhiganayay iskoolkaas.

Madaxa guddi loo xilsaaray wax ka qabashda arrinkaasi ayaa BBC-da u sheegay in maalin kahor libaaxa laga saaray halkii uu joogay ee uu ilaalada ka hayay, kadibna loo gudbiyay beerta xannaanada xoolaha ee Bogije Omu, oo ku taala deegaanka Lekki.

Dowladda Nigeria ayaa milkiilaha libaaxa ku amartay in uu iska xaadiriyo saldhiga booliska, haddii sidaas uu sameyn waayana xabsiga loo taxaabi doono.

Tallaabadan ay Dowladdu qaaday ayaa timid, kadib markii sidoo kale shacabka ku nool agagaarka xaafadda uu libaaxa joogay ay cabsi la soo daristay, maadaama libaaxu uu yahay xayawaan halis ah oo aan looga baranin in uu ilaaliyo guryaha.

Koox ka socota ilaalinta deegaanka ee Dowladda Nigeria iyo ciidan gaar ah oo wax iska caabinta qaabilsan ayaa libaaxa soo qabtay, kadib markii dadka deegaanka ay u dacwoodeen Wasaaradda Deegaanka ee qaabilsan xayawaanka duur-joogta.

Libaaxa ayaa halkaas la geeyay laba bilood kahor, si uu u ilaaliyo guriga qofka keensaday, waxaana marwalba uu taagnaa albaabka guriga, oo uu kala socday dhaqdhaqaaqa dhismaha.

Isha – BBC

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *