Nigeria: Boqolaal arday la afduubta oo lasoo siidaayey

Published: December 18, 2020

Dowlada Nigeria ayaa xalay sheegtay in lagu guuleystay in lasoo sii daayo 344 wiilal arday ah oo ay kooxo hubeysan iskuulkooda ka qafaasheen Jimcihii hore.

Ardaydan ayaa laga afduubtay dugsiga Sare ee dowlada maamusho oo ku yaal magaalada Kankara ee gobalka Katsina (Waqooyi-galbeed Nigeria).

Illaa iyo hada macada qaabka loo soo siidaayey caruurtan la qafaashay, walow maamulka gobalkaasi Katsina sheegay in ay ciidamada ku hareeraysan yihiin dhul hawd ah oo ku yaal gobalka deriska la ah ee Zamfara oo la sheegay in caruurtaasi lagu hayey.

Kooxda Boko Xaram oo ka tirsan Daacish ayaa war kasoo baxay lagu sheegtay inay iyagu ka danbeyeen afduubkan balse illaa iyo hada lama xaqiijin si rasmi ah in maleeshiyadka ardayda kaxeystay ay ka tirsan yihiin kooxdaasi xagjirka ah.

Lama oga in ay dowlada Nigeria lacag madax-furasho ah siisay kooxda afduubkan geysatay, waxaase siideynta ardaydan si weyn usoo dhaweeyey Madaxweynaha Nigeria Muhhamaddu Buhari.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *