Nigeria oo Muwaadiniinteeda uga digtay inay Tagaan Maraykanka

Published: March 7, 2017

Dowlada Nigeria ayaa Baaq ay u dirtay muwaadiniinteeda uga digtay inay tagaan wadanka Maraykanka.

Qoraalkan kasoo baxay Madaxtooyada dalkaasi Afrikaanka ah ayaa lagu sheegay in todobaadyadii lasoo dhaafay muwaadiniin badan oo dalkaasi u dhashay laga soo ceshay wadanka Maraykanka.

Dadkan oo heystay VISA ama dal-kugal sharci ah ayey dib u soo cesheen saraakiisha socdaalka ee Maraykanka, waxayna xukuumada Nigeria ugu baaqday shacabkeeda inay ka fiirsadaan u safrida wadanka Maraykanka.

Dalka Nigeria kama mid ah dalalka lagu xusay xayiraada Xukuumada Trump saartay dalalka Muslimiinta ah ee gaaraya 6 wadan oo uu ku jiro dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee waxaa muuqata inay sare usii kaceyso cadaadiska lagu hayo dadka Muslimiinta ah ee socdaalka ku taga Maraykanka.

Donald Trump ayaa Isniintii shalay markale dib u saxiixay wareegto lagu xakameenayo socdaalka dadka kasoo jeeda dalalka Islaamka ah ee Soomaaliya, Sudan, Yemen, Liibiya, Siiriya iyo Iran.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *