Nigeria oo soo daadgureysay Tahriibayaal ku xanibnaa Libya

Published: January 8, 2018

Dowlada Nigeria ayaa dalkeeda dib ugu soo celisay boqolaal tahriibayaal dalkaasi u dhashay oo muddo dheer ku xanibnaa wadanka Liibiya.

In ka badan 500 Tahriibayaal u dhashay Nigeria ayaa gaaray wadankooda, kadib markii ay dowladooda u dirtay diyaarad. Dhalinyaradan ayaa ah qeybtii ugu horeysay iyadoo lagu wado in dalkooda lagu celiyo in ka badan 5000 u dhashay Nigeria oo ku sugan Liibiya.

Xukuumada Nigeria ayaa kamid ah dalalka Afrika ee bilaabay inay u gurmadaan muwaadiniintooda ku xaniban wadanka Liibiya.

Wadamada Afrika ayaa dhamaadkii sanadkii tagay bilaabay dadaal ay wax ugu qabanayaan dhalinyarada Tahriibta u aada Liibiya, kadib markii warbaahinta caalamiga ah ay soo bandhigeen qaabka xun ee loola dhaqmo tahriibayaasha marka ay tagaan Liibiya oo lagu tilmaamay “…Adoonsi iyo Jirdil…”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *