Nigeria: Qarax lala beegsaday Masaajid Salaadii Subax

Published: January 4, 2018

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay weerar bambaano oo lala beegsaday Masaajid ku yaal magaalada Gamboru ee gobalka Borno ee waqooyi-bari dalka Nigeria.

Weerarkan ka dhacay magaalada saaran xadka u dhaxeeya dalalka Nigeria iyo Cameroon ayaa la rumeysan yahay inay ka danbeyso kooxda xagjirka ah ee Boko Xaram.

Qaraxa ayaa ka dhacay masaajidka kahor salaadii subax, waxaana la sheegay in qaraxa keenay dab gebi ahaan gubay masaajidkaasi, sida ay dadka deegaanka u sheegeen saxaafada. Waxaa sidoo kale gudaha masjidka laga helay meydka qof la aaminsan yahay inuu ahaa naftii haligaha masjidka isku dhex qarxiyey.

Kooxda Boko xaram ayaa horey sidan oo kale weeraro ulla beegsatay masaajidada iyo suuqyada magaalooyinka ay ku badan yihiin muslimiinta, iyagoo dadka shacaba ku eedeenaya inay gacansiinayaan ciidamada dowlada.

Dhacdadan ugu danbeysay ayaa kusoo beegmaysa maalmo kadib markii boqolaal dad shacab ah oo u badan kaluumeysto iyo beeraley kasoo baxsadeen kooxda Boko Xaram, dadkaasi ayey kooxdan si khasab ah ugu shaqeysan jirtay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *