Nin Haweeneey deyn ku laheyd ku dilay Baydhabo oo maanta goob fagaare ah lagu toogtay

Published: June 7, 2022

Nin dhawaan Haweeneey deyn ku laheyd dilay Kaas oo Maxkamadda Gobolka Baay ay dil toogasho ah ku riday ayaa maanta lagu toogtay fagaare ku yaalla Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolkaasi.

Ninkan oo lagu Magacaabayay Maxamed Xasan Maxamed (Goomeey) ayaa Haweeneyda oo lagu Magacaabi jiray Aamina Maxamed Malaaq ay ka dalbatay in uu siiyo lacag ay ku laheyd, balse uu ugu yeeray gurigiisa si uu ugu wareejiyo maadaama uusan lacag u heyn, hayeeshee uu dilay.

Ciidamada nabdsugida Maamulka Koonfur Galbeed oo baadi goob dheer u galay kiiskaas ayaa Musqul kasoo saaray Meydka Haweeneyda Maalintii Sabtida aheyd ee la soo dhaafay , waxaana Alle ha u Naxariistee Aamina Maxamed Malaaq ay aheyd Haweeneey ka Ganacsan jirtay Dharka.

Boqolaal kamid Shacabka Magaalada Baydhabo, Saraakiil katirsan Maxkamadda Gobolka Baay iyo ehellada Haweeneyda ayaa ku sugnaa goobta toogashada, kuwaas oo sheegay in si cadaalad ah kiiskaasi loo dhameeyay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *