© 2022 Horseed Media Group

Nin hubeysan oo rasaas sababtay khasaare nafeed ku furay goob ay ka socotay xaflad Aroos

Shares326

Nin hubeysan ayaa rasaas sababtay dhimasho & dhaawac ku furay goob uu ka jiray Aroos oo ku taalla Deegaanka Qoolaali Waqooyi-Bari ee Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa geeriyooday halka ay dhaawacmeen 3 kale, waxaa is baddelay jawiga goobta uu arooska ka jiray oo marqura lagu kala tagay.

Goobta uu falkaasi ka dhacay waxaa tagay Ciidamada ammaanka ee Dowladda oo ku guuldareystay inay gacanta ku dhigaan ninkaas.

Saraakiil katirsan laamaha Amniga degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan Ninka hubeysan oo la aqoonsaday.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Hay’adaha amniga aysoo qabashada ninkaas kala kaashan doonaan Odoyaasha dhaqanka oo inta badan fududeeya soo qabashada Maleeshiyaadka dhibaatooyinka geysta.

Horseed Media