Nin ka tirsan Al Shabaab oo lagu dilay Degmada Baardheere

Published: July 2, 2022

Askari ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda ayaa xalay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ku dilay nin ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kaas oo doonayay in uu isagu dilo.

Ninkan ayaa askariga iyo nin shacab ah oo la socday ku weeraray agagaarka Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom, isagoona rasaas la dhacay.

Korney Aadan Axmed Xirsi (Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ninkaasi uu isku dayay in uu qoriga ka qaato askariga, isaga oo moodayay in uu dhintay, balse askariga oo dhaawac ahaa ay u suurtagashay in ninkaasi uu madaxa ka toogto.

Rufle ayaa xusay inaanay jirin cid kale oo ninkaasi la socotay, xilligii uu isku dayga dilka gaysanayay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *