Nin nabadoon ah oo Aano qabiil darteed loogu diley Jowhar

Published: April 3, 2024
Shares8

Nabadoon lagu magacaabi jiray Xasan Cali Muudey ayaa koox hubeysan ay ku dileen tuulada Casarmaal oo hoostegtaga magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Qaar kamid ah ehelka marxuumka ayaa Warbaahinta u sheegay in nabadoonka ay kooxda hubeysan kala dageen gaari uu saarnaa, iyagoo rasaas kala dhacay madaxa ilaa nafta ay ka baxdo. Ehelka nabadoonka ayaa sheegay in kooxda dilka geysatey la garanaayo oo ay u dileen nabadoonka aano qabiil.

Ciidamada Amaanka amniga ee degmada Jowhar ayaa gacanta ku dhigay nin looga shakisan yahay in uu ka mid yahay kooxdii dilka geysatey.

Nabadoonada iyo cuqaasha ayaan loo dili jirin aanada qabiilka waayadii hore, laakiin muddooyinkan danbe aad ayey u soo badatey taas oo mararka qaar keenta i colaaduhu sii fogaadaan.

HorseedMedia