Nin Walaalkiis ku Dilay Dhuusamareeb oo Gacanta Lagu Dhigay

Published: December 18, 2019

Ciidamada Booliiska ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa Gacanta ku dhigay Faa’id Salaad Caraale kaas oo hada ku xiran Saldhiga Booliiska magaalada ka dib markii uu Xalay Dilay Walaalkiis Raage Salaad Caraale.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafadda Waabari ee magaaladda, waxaana hada socanaya Baaritaan kaas oo la xariira sababaha keenay in Faa’id uu dilo Walaalkiis.

Taliyaha ciidanka Booliska Dhuusamareeb ahna Taliyaha xasilinta caasimadda Galmudug Gaashaanle Cabdullahi Xasan Macallin ayaa warbaahinta u sheegay inuu Xiran yahay Ninka dilka gaystay Baaritaan ka dibna uu talking bixin doono Faah-faahin.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *