Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo ku eedaysan inuu tooreey ku dilay xaaskiisa magaalada Muqdisho.
Alle ha u naxariistee, marxuumada dhimatay oo dilkeeda aad looga argagaxay ayaa lagu magacaabi jirey Fowsiya Cali Xaaji Shirwac, waxaana ninka dilay ay u dhashay shan caruur ah.
Falalka noocan oo kale ah ayaa muddooyinkii dambe ku soo badaneyey gudaha magaalada Muqdisho, lamana oga waxa sababay inuu ninkaan sida naxdinta leh u dilo xaaskiisa.
Sanadkan gudihiisa ayey ahayd markii dhacdo midan la mid ah dil toogasho lagu xukumay nin la yiraahdo Sayid Cali Macalin Daa’uud oo gubay xaaskiisa, balse aan lagu fulin.
Horseed Media