NISA oo sheegtay in Al-Shabaab qaraxyada kala soo degto Dekadda Muqdisho

Published: October 27, 2020

Qoraal kasoo baxay hay’ada sirdoonka Soomaaliya qeybteeda gobalka Banaadir ayaa lagu sheegay in gacanta lagu hayo 10 Konteenar oo ay Al Shabaab kala soo degtay Muqdisho iyadoo adeegsaneysa ganacsato.

Konteenaradan la qabtay ayaa la sheegay inay ku jireen 79 Metric Tan oo ah maadada (Sulfuric Acid) ee loo adeegsado qaraxyada waaweyn.

Ganacsatada xiriirka laleh Al Shabaab ee qalabkan soo dajiyey ayaa la sheegay in gacanta lagu hayo, isla markaana baaritaano dheeraad ah lagu sameyn doono dhamaan waxa laga soo dajiyo Dekadda Muqdisho, sida ku xusan qoraalkan kasoo baxay NISA.

Sirdoonka ayaa cambaareyn usoo jeediyey Maamulka Dekadda, Booliiska dekadda iyo laamaha canshuuraha oo ay sheegeen inay caqabad ku noqdeen hawlaha baaritaanka iyagoo kadigay cawaaqib-xumada ka dhalankarta arrintan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *