NISA oo sheegtay inay gacanta kusoo dhigtay gacanyaraha Hogaamiyaha Al Shabab

Published: February 3, 2024

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa magalaada Muqdisho ku qabtay horjooge Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxiyadiin Daqare) oo ka tirsanaa Al shabaab, haddana ka mid ahaa Gacanyarayaasha Horjooge Axmed Diiriye.

Horjoogahaan oo si wayn loogu raadjoogay ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho xili uu si dhuumaalaysi ah kusoo galay, iyada oo markii dambe ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA.

Muxudiin Daqare ayaa ka soo howlgalay qaar kamid ah gobollada dalka, waxaana uu ka soo shaqeeyey gobollada kala ah; Bay, Galgaduud Mudug iyo Shabeelaha Hoose.

Laamaha ammaanka oo gacanta ku soo dhigay ayaa sheegay in ay dhawaan soo saari doonaan xog ku saabsan Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxiyadiin Daqare).