Norway oo joojisay hub ay ka iibin lahayd Imaaraatiga

Published: January 4, 2018

Dowlada Norway ayaa xaqiijisay inay joojisay gebi ahaan hubkii ay ka iibin jirtay dowlada Imaaraatiga (UAE).

Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Norway ayaa sheegtay in amarka lagu joojinayo hubka laga iibin lahaa dalka Imaaraatiga ay tahay tilaabo ay dowlada Norway uga taxadareyso in hubkeeda loo adeegsado dagaalka ka socda wadanka Yemen.

Dowlada Imaaraatiga oo kamid ah xulafada Sacuudiga ee ka qeyb qaadanaya dagaalka ka socda wadanka Yemen ayaan weli ka hadlin go`aankan kasoo baxay Norway oo kamid ah dalalka Yurub oo ay Imaaraatiga hubka kasoo gadan jireen.

Hay`adaha iyo dadka u dooda Xaquuqul Insaanka ayaa horey ugu baaqay dalalka reer Galbeedka inay joojiyaan hubka ay ka iibinayaan dalalka tujaarta ah ee khaliijka ee hada ka qeyb qaadanaya dagaalka ka socda dalka Yemen oo ay ku dhinteen in ka badan 10-kun qof.

Duulaanka xulafada Sacuudiga iyo imaaraatiga ku qaadeen kooxda shiicada ah ee Xuuthiyiinta Yemen ayaa hada socda muddo ku dhaw sadex sano, iyadoo aan weli labada dhinac wax guulo waaweyn ah gaarin, balse waxaa burbur baaxadleh soo gaaray dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha dowlada Yemen oo u burburay duqeynta dalkaasi kasocota.

Waxaa sidoo kale qarka u saaran inay macaluul u dhintaan dad lagu qiyaasay 8 milyan oo reer Yemen ah, kuwaasi oo aan heysan raashin iyo xarumo caafimaad oo ku filan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *